Dhageyso:-Maxkamadda Sare oo fulineysa Amar kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa Maanta waxa uu Magalada Muqdisho ka furay imtixaan loo galayo Afartan jago Garsooranimo iyo 50 kalkaaliye oo loo qaadanayo Maxkamada kala duwan ee gobolka Banaadir.

Imtixaankaan oo Maanta bilaawday ayaa waxaa ka qeyb-galaya ilaa 215 ruux,kuwaas oo uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Sare inay ka mid yihiin 500 oo kasoo hartay 1.200 oo ruux oo soo codsatay u tartamida Afartanka jago Garsooranimo & 50 kalkaaliye.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in howshaan ay soo martay heerar kala duwan oo ku saabsan sidii loo heli lahaa garsoorayeyaal iyo kaaliyeyaal si huufan ugu Shaqeeya Gobolka Banaadir,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu lahaa amarkaas.

Waxaa uu sheegay in Maxkamada Sare ay Bulshada Soomaaliyeed hor-dhigtay in jagadaas ay bannaan tahay,isla markaana dad ka badan 1,200 ay soo codsadeen,kuwaas oo  Imtixaanka u soo gudbay ,sidoo kalena uu sheegay inaysan aheyn kuwo Xildhibaan iyo Oday midna wadin.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in qorshahaan Imtixaanka loogu gelayo 40 jago Garsooramino iyo 50 kalkaaliye ay tahay mid hufan loogana gol leeyahay inay meesha ka baxdo yaad taqaan,isla markaana la helo maxaad taqaan.