Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh ayaa sheegay in ay qaato ka taagan yihiin oo Go’aanka Maxkamadda ay ka fulin la’yihiin Qabiil iyo garab istaag.
Waxa uu sheegay hadii laba Qof ay isa soo dacweeyaan oo Dowladda Hoose ay soo cadeyso, hadii xukunka la rido in Qofkii uu qaadanayo Racfaan, isaga oo ku socda qaab Qabiil ah.
Sidoo kale Waxa uu sheegay xukunada Maxkamadda in ay ka fulin la’yihiin Hoggaamiye kooxeed, kuwaasi oo wata Hub, Ciidamada Dowladdana aysan awood u laheyn in ay xiraan.
Dr. Aweys Sheekh Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la tayeeyo Ciidanka Booliska, si ay uga hortagan kooxaha indhacadeeska iyo ku takri falka ka wada Maxkamadaha dhexdooda.
Dowladda Federaalka ayaa wada qorshe dib loogu hagaajinayo Maxkamadaha dalka jira, si Qof walba oo Soomaali ah uu u helo cadaalad iyo sinnaan, maadaama sanadihii ugu dambeeyay ay soo badaneyeen tabashooyinka la xiriira cadaalad darida Maxkamadaha.


