DHAGEYSO: Maxay tahay Sababta uu qaali u yahay Passport-ka Soomaaliga ?

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxa ay faah faahin ka bixisay sababta uu qaali u yahay Passport-ka Soomaaliga.

Hay’adda waxa ay sidoo kale sheegtay in qalabka lagu sameeyo Passport-ka uu yahay mid qaali ah taasina ay sababtay in uu qaali noqdo Passport-ka Soomaaliga.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale “ Koofi” ayaa sheegay in qalabka loo isticmaalo sameynta Passport-ka Soomaaliga uu yahay mid qiimi sare jooga.

Waxa uu sheegay in wasaarada Maaliyada ay dajisay qiimaha lagu sameynayo Passport-ka oo sida uu sheegay lagu saleeyay Habka maaliyadeed iyo qiimaha qalabka uu joogo.

Dhanka kale qaar ka mid ah Wadamada Yurub iyo Dalka Mareykanka ayaan weli aqoonsaneyn Passport-ka Soomaaliga.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale “ Koofi” ayaa sheegay in ay ka shaqeynaya sidii Passport-ka Soomaaliga caalamka oo dhan looga aqoonsan lahaa.

Qaadashada Passpor-ka Soomaaliga ayaa ah mid ay dhib ku qabaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Waxa uuna marayaa qiimo ka badan 100 dollar.