Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la qabtay Markab si sharci daro ah uga Kalluumeysnayay Badda Soomaaliya.
Markabkan lagu qabtay xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa laga leeyahay Dalka Greece, waxaana uu si sharci daro ah uga Kalluumeysnayay Badda Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Kalluumeysiga.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed (Qaalib) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay Markabkan lagu qabtay biyaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay qabashada Markabkan in ay kala kaashadeen ururo caalami ah oo la dagaalama Maraakiibta sida sharci darada uga Kalluumeysta xeebaha.


