Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyey cibsitaal adeegyada caaifmaad u fidiya dadka halkaas ku nool.
Dhismaha Isbitalkan ayaa waxaa iska kaashaday qurbo-joogta kas oo jeeda degmada, oo kaalmo yar ka helay hay’ad samafal iyo dadweynaha ku nool degmada Maxaas.
Guddoomiyaha degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa VOA-da u sheegay in isbitalkan uusan Maxaas ku koobnaan doonin, balse ay sidoo kale ka faa’iideysan doonaan deeganada kale ee ku dhow Maxaas ee Gobollada Dhexe qaarkood.
Dadweynaha Degmada oo muddo la dhibaataysnaa daryeel la’aan caafimaad ayaa si weyn ugu diirsaday mashruuca lagu hirgeliyey cisbitaalka.


