Mar uu goor dambe oo maanta ah khudbad ka jeedinyay munaasabad lagu daah furayay xarunta xisbiga UDP ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyey caburin.
Xildhibaan Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda hada jirta ay ku xad gudubto waxa uu ku tilmaamay aragtida xurta ah ee kasoo hor jeeda masuuliyiinta talada dalka haya.
Waxa uu ku nuux nuuxsaday in dalka uu ku suganyahay xaalad cabsi ah oo dadka la caburinayo sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntiina waxa uu madaxda dowladda ugu baaqay in xaalada guud ahaaneed ee dalka ay wax ka bedelaan oo ay rabitaanka shacabka gaar ahaan kuwooda danyarta ah ay tix geliyaan oo ay u naxaan.


