DHAGEYSO: Madaxweyne Shariif “Shabaab ayaa Caqabad ku ah Gurmadka Abaaraha”

Madaxweynaha Maamulka koofur galbeed Soomaaliya shariif xasan sheekh aadan ayaa sheegay in Al-Shabab ay caqabad weyn ay ku yihiin dadka shacabka ah ee abaartu ay saameysay.

Shariif xasan sheekh aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu ahmiyaad gaar ah siinayo sidii Al-Shabab loogu saari lahaa degaanada ay hada ku sugan yihiin maadaama sida uu sheegay in ay caqabad weyn ku yihin gurmad garsiinta dadka dhibaateysan.

Waxa uu Ciidamada Amisom iyo Madaxda Dowladda Dhexe ka dalbaday in ay ka taageeran maamulkiisa isla markaana kala shaqeeyaan sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa degaanada ay hada ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa weli ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Maamulka koofur galbeed Soomaaliya uu ka taliyo ee ah Gobolada Baay, Bakool iyo Sh/Hoose.