Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay in meel looga soo wada jeesto sidii loogu dadaali lahaa in aysan kadib marin Doorashada waqtigeeda.
Wuxuu sheegay Siyaasi walba iyo Mas’uul kasta oo ka tirsan Dowladda in looga baahan yahay in ay ku dadaalaan Hanaanka Doorashada iyo waqtigeeda in aysan dhaafin.
C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay in ay ilaaliyaan Go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Maamulka Puntland uu diyaar u yahay sidii uu gacan uga geysan lahaa Doorashooyinka Soomaaliya.


