DHAGEYSO: C/raxmaan Faroole oo eedeyn u jeediyay Dowladda Soomaaliya

Muqdisho-RisaalaFM- Siyaasiga C/raxmaan Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in hada ay wado Qorshe ay waqtiga ku kororsaneyso, maadaama marar badan dib loo dhigay waqtiga Doorashada.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in hada aan la isku haleyn karin amniga Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay soo fara geliyaan siyaasiyiinta hada Doorashada Soomaaliya qaab siyaasadeysan howlo kale ugu dhex wata.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan ay ka dhacdo Doorasho, taas oo hada diyaar garowgeeda uu ka socdo Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.