DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka baaq u diray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la yareeyo is qabqabsida siyaasadeed ee xiligaan dalka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in 2020 ay dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doono in dalka ay ka dhacaan doorashooyin xor oo qof codkiisa ah .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay cabsida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan dib u dhacyada ku imaanaya howlaha doorashooyinka dalka.

Xasan Sheekh maxamuud ayaa balan qaaday in aysan dhicin doonin dib u dhac dambe in uu  ku yimaada howlaha doorashooyinka , islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii ay u asteeyeen guddiga doorashooyinka dalka .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay yareeyeen khilaafaadka iyo sidoo kale is qabqabsida siyaasadeed.