DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland “Abaaro ayaa ka jira Deegaanada Puntland”

Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in abaaro ay ka jiraan Deegaanada Puntland.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ganacsatada iyo qurbo joogta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay qeyb xoogan ka qaataan sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameynta ku yeelatay abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka, Shacabka iyo Ganacsatada ibney ka tashtaan sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkooda uu ku dadaalayo sidii dadkaasi loogu gurman lahaa isla markaana ay loo gaarsiin lahaa wixii ay u baahan yihiin.

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa aka jira abaaro saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada Puntland, waxaana jiray masuuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday goobaha ay ka jiraan abaaraha ee Puntland.