Galkacyo-RisaalaFM- Waxaa maanta la filayay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug in ay kulan ku yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Puntlland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kulankaas oo looga hadli rabay colaada Gaalkacyo, balse dib ayuu u dhacay.
Kulankan ayaa la filayay in ay goob joog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyoo xubno kale.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa labadoodaba ku sugan Magaalada Gaalkacyo.
Afhayeenka Maamulka Galmdudug C/fataax Roob Da’ay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu dib u dhacay kulankii maanta ay yeelan lahaayeen Madaxda Puntland iyo Galmudug, isagoo sidoo kale sheegay in maalinta berri ah Gaalkacyo lagu qaban doono kulan looga hadlayo colaada Gaalkacyo.


