Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay darajooyin gudoonsiiso Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka shaqeynaayay Doorashadii Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee lagu soo gabagabayeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Waxaa uu sheegay in ay waxbadan ay u qabteen bulshada kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed , islamarkaana ay u shaqeeyeen si howlkarnimo leh.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Saraakiisha ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ee ka shaqeynayay ammaanka Xarunta doorashada ay mudan yihiin in la dallacsiiyo.
Halka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.


