DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo u digay xildhibaanada Cusub

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa xildhibaanada cusub ee golaha shacabka ugu baaqay in aysan wax ku dooran lacago ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada cusub laga doonayo in ay noqdaan  kuwo doorta shaqsi waxbadan ka badelikara dhibaatada ka jirta dalka.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay hadii hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed lagu doorto lacag in ay adagtahay in ay wax u qabtaan bulshada ,madaam ay doonaayaan in ay soo celiyaan hantidii kaga baxday doorashada.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa xildhibaanada cusub ka codsaday in ay doortaan shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo sidoo kale midnimada umada Soomaaliyeed.