Dhamaan saaxiibada ku xiran Website-ka Radiorisaala.com ama Risaala.net waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee Soomaaliya ka dhacay Bilaha January, February, March iyo April.
JANUARY
Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maalin Sabti ah 2-dii Janaayo ee 2016-ka ka dhacay gudaha Baar lagu magaaabo The Village oo ku yaalla guriga hooyooyinka oo ka soo horjeeda Tiyaatarkii hore ee Muqdisho
Allaha u naxariistee si lama filaan ah waxaa maalin Axad ah 3-dii Janaayo 2016 magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ku geeryoodey Ugaasa C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.
Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa 3-dii Janaayo ee 2016-ka guddoomiye u doortay, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaddib markii uu helay 109-cod, iyadoo sidoo kalena la doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed.
4-tii Janaayo ee 2016 ayaa Maxkamadaha gobollada Awdal iyo Selel waxa ay min 15-sano oo xabsi ah ku xukumtay 10-qof oo lagu eedeeyay inay geysteen kufsi.
Ugu yaraan 53-dagaalyahan oo ay ka mid yihiin 10-sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay laba howlgal oo millateri oo a lala beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay Koonfurta Soomaaliya dhacay Maalin Talaado ah 19-kii Janaayo ee 2016.
5 ruux ayaa ku geeriyootay, 20-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Weerarro isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo Toos ah oo ay Al-shabaab 21-kii Janaayo 2016 xilli Habeen ah ku qaadeen Baarka LIIDO Sea Food oo ka mid ah baararka ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Wariyeyaashii udub-dhexaadka u ahaa warbaahinta Somalia ayaa 26-kii Janaayo ee 2016 xilli Habeen ah si lama filaan ah ugu geeriyooday Isbitaalka Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho.
FEBRUARY
Jimco, Feberaayo 05, 2016 — Ugu yaraan saddex ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa ku Geeriyooday Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho,.
Isniin, Feberaayo 15, 2016 — Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii RW Nuur Cadde, kana ka mid ahaa xubnaha sar-sare ee Xisbiga Kulan ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Arbaco, Feberaayo 17, 2016 — Maamulka Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Ciidamadooda Nabad-sugidda ay Xoog kusoo Furteen James Gajumbo oo u dhashay Kenya, kaasoo muddo 15-bilood ah afduub loogu haystay degaano ka tirsan Galmudug.
Jimco, Feberaayo 19, 2016 — Xukuumadda Washington ayaa Somalia, Yemen iyo Liibiya ku dartay liiska waddamada walaaca laga qabo, marka la eego Ogolaashaha Dal-ku-gal [Visa] la’aan Mareyanka lagu geli karo .
Sabti, Feberaayo 20, 2016 — Guddiga doorashooyinka Qaranka Uganda ayaa ku dhawaaqay natiijadii kama dambeysta ahayd ee Doorashada iyagoo sheegay inuu Madaxweynaha Muddada Dheer Xukumayay Dalkaas ee Yoweri Kaguta Museveni uu ku Guuleystay Doorashada Madaxnimo ee Uganda.
Jimco, Feberaayo 26, 2016 — Ugu yaraan 14-ruux oo ay ku jiraan Shan Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inay ku Geeriyoodeen, tiro kalena way ku dhaawacmeen Qaraxyo iyo Iska-horimaad ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo Mas’uuliyadooda ay sheegteen Al-shabaab.
Talaado, Feberaayo 23, 2016— Waxaa ka furmay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shir looga hadlayay Arrimaha Somalia, sida Doorashooyinka .
Axad, Feberaayo 28, 2016 — Ugu yaraan 19-ruux ayaa ku dhintay in ka badan 45-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo uu midkood ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
MARCH
Afar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay, kaddib Qarax 01-dii Maarso 2016 lagula eegtay gaari ay wateen oo marayay Deegaanka Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye oo gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ku dhaawacmay saddex Askari oo kale.
Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ee Soomaalia ayaa 3-dii Maarso 2016 dil Toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaas oo muddo sannad ka badan ku xirnaa xabsi ay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Inta la og-yahay qof Shacab ah iyo Askar ka tirsan kuwa Jabuuti ee AMISOM oo aan si Rasmi ah loo shaacin tiradooda ayaa ku dhaawacmay qarax 7-dii Maarso 2016 ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Inta la og-yahay Afar qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen Qaraxyo kala duwan oo 9-kii Maarso ee 2016 xilli subax ah ka dhacay wadada Finta Una October iyo xarunta xero Gaadiidka ee Magaalada Muqdisho.
Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somalia, ayaa 12-kii Maarso 2016 Xukunno ku Ridday lix ruux oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen Qaraxyadii bishii Febraayo ee 2016 ka dhacay Degmada Baydhabo oo Sababay Geerida dad fara badan.
Ciidamada Cirka ee Turkiga, ayaa 12-kii Maarso ee 2016 Weeraray Fallaagada Kurdiyiinta PKK ee ku sugan Woqooyiga Dalka Ciraaq, Weerarka ayaa Waxaa ku dhintay ugu yaraan 67-qof, sida ay sheegeen Millateriga dalka Turkiga.
Xukuumadda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii ay ku noolaayeen nus-malyuun Qoxooti Soomaaliyeed ayaa 12-kii Maarso ee 2016 si rasmi ah u sheegtay inay doonayso in qoxootigu ku nool xeryahaha Dhadhaab-Kenya ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalkeeda.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa la wareegay maalin Talaado ah oo taariikhdu ay ku beegneyd 15-kii Maarso ee 2016-ka magaalada Garacad oo kutaala Puntland isla markaana saaran xeebta badweynta Hindiya.
Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay, 70 qof oo kalena way ku dhaawacmeen saddex qarax oo maalin Talaado ah 22-kii Maarso ee sanadkan 2016 ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium iyo Xarun laga raaco Tareennada.
Ugu yaraan shan ruux oo isugu jiray saddex Somali ah iyo laba Turki ah ayaa 30-kii Maarso ee 2016 lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ku qaadeen gaari ay wateen dadkaan la laayay oo ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka DEVA oo Turkigu uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.
Weerar Is-miidaamin ahaa oo maalin Khamiis ah Taariikduna ay ku begneyd 31 Maarso ee 2016 Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacay, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10-qof, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab.
APRIL
Khamiis, Abriil 07, 2016 — Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday, halka 12-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, kadib hoobiyeyaal ku dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.
Isniin, Abriil 11, 2016 — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, Todoba kalena way ku dhaawacmeen Qarax Ismiidaamin ah ka dhacay agagaarka xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar-weyne, halkaasoo uu Maamulka gobolku ku shaqeeyo.
Jimco, Abriil 22, 2016 — Ugu yaraan 25 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray dulleedka degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Sabti, Abriil 23, 2016 — Gaadiid ay wateen Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee ka hawlgala Somalia [AMISOM] ayaa nin waayeel ah ku jiiray isgooska KM-4 ee Muqdisho, Waxaana Gaadiidkan is-hortaag ku sameeyay kana diiday inay baxsaan Qaar ka mid ah shacabkii halkaas ku sugnaa.
Talaado, Abriil 26, 2016 — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay ku dhexmaray ciidamada Millateriga Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab.
W/D:- Rijaal Abdi Mohamed


