DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo Amar kasoo saaray muranka dhulalka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe “ ayaa ka hadlay isqab qabsiga la xiriira dhulalka ee u dhaxeeya dadka ku nool Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shacabka Kismaayo ay isku dilaan kiisas la xiriira dhulal aan sharci ahayn.

Waxa uu tilmaamay in Askarta loogu baahan yahay in aysan shacabka ku nool Kismaayo aysan u kala eexan isla markaana loogu baahan yahay iney shacabka Kismaayo u dulqaataan.

Sidoo kale Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in guryaha la dhisayo iyo kuwa la isku heysto aysan sharci ahayn dhamaantood.

Waxa uu ugu digay dadka guryaha ka gadanaya Kismaayo iyo duleedkeeda gaar ahaan goobaha dowladda ay leedahay in aysan lacagahooda isaga qasaarin.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xusay in cidii dhaqaalo ku bixisaa dhismaha iyo iibsashada guryaha ay leedahay dowladda in hadhaw lagala wareegayo oo aysan dowladda u qabsan Karin lacagaha ay iska lumiyeen.

Waxa uu ugu baaqay iney isaga tanaasulaan qorshaha ay guryaha kaga iibsanayaan goobaha ay dowladda sharciga u leedahay.

Muddooyinkii dambe ayaa dadka ku nool magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda waxa ay isku qabsanaayeen dhulal banaan, waxaana qaarkood Xabsiga dhigay Ciidamada amaanka Jubbaland ka dib markii ay rabshado bilaabeen gudaha iyo banaanka magaalada.