DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabeelle oo Fariin diray Bulshada

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xaliyo tabashada ka imaanaysa qaar ka mid ah Beelaha degan degaanada maamulka Hirshabeelle ee ku aadan golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka cusub ee Hirshabeelle uu wali curdun yahay ,islamarkaana bulshada laga doonaayo in ay la shaqeeyaan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka kunool Hirshabeelle laga doonayo in ay Fikirkooda ay kusoo biiriyaan maamulka.

Waxaa uu xusay in dowladiisa ay u baahan tahay qaladaadka ay Gasho in ay Saxdo.