DHAGEYSO: Xagee lagu haaya Markabkii ay Afduubteen Burcad-badeeda?

Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka kunool degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro Kalluumeysato ah Markab ay soo Afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro ka badan 40 in ay Markabka fuushan yihiin ,islamarkaana ay doonayaan in ay kula gorgortamaan Maamulka Puntland.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay Saaka ku baxeen degmada Caluula.

Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .

Markabkaan ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Jarmalka.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.