DHAGEYSO: Madaafiic lagu garaacay Degmada Baardheere

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ay saakay ku garaaceen Madaafiic Khasaare geysatay.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa Risaala u sheegay Al-Shabaab in ay madaafiicdaasi ay ka soo tuureen duleedyada Degmada Baardheere.

Faarax Cali Turbac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowaldda ayaa Risaala u sheegay in Magaalada ay kusoo dhaceen in ka badan 6 Hoobiye,islamarkaana ay sababeen Khasaare dhaawac ah.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa kor u dhaafaya ilaa iyo 5 qof, waxaana hadda Ciidamada dowladda ay howlgallo ka waddaan goobtii madaafiicda laga soo tuuray.