DHAGEYSO: Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal isbaaro qaadis ah

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed C/Fitaax Maxamed Geesey oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay qorshe ay soo bandhigeen guddiga amniga maamulka Koonfur Galbeed,kuwaas oo uu dhawaan sameeyay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

C/Fitaax Geeseey ayaa sheegay in guddiga ay soo jeediyeen qaadista Isbaarooyinka  yaalla, waxaana la tilmaamay isbaarooyinka ugu badan in ay yaallaan gobolka Shabeelaha Hoose iyo sidii loo qaadi lahaa  howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in Odayaasha ay ka aqbaleen aragtidaasi,sidoo kalena madaxweynaha maamaulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay in uu aqbalay qodoabada ay soo jeediyeen ee la xiriira sugidda amaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalka Wasiirka amniga Maamulka Koofur Galbeed C/Fitaax Maxamed Geesey ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay maamulka Koonfur Galbeed ay wadeen dadaalo lagu sugayo amniga.