Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi ay ka bilowdeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii la isugu furi lahaa guud ahaan degmooyinka gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ciidamo ka kala tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM in ay ka kala dhaqaaqeen degmooyin ka tirsan Hiiraan qorshahana uu yahay in ay gaaraan deegaano iyo degmooyinka Al-shabaab ay ka joogaan gobolka Hiiraan.
Maalmahan dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo kal duwan ka wadaan aagga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.


