DHAGEYSO: Maamulka Hiiraan “Talaabo ayaan ka qaadeynaa cidii ka dambeysay dagaal beeleedyada”

Beledweyne-RisaalaFM- Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan cidii soo abaabushay dagaal beeleedyada ka dhacay Galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in iyada oo maamulka gobolka Hiiraan uu ku mashquulsan yahay samata bixinta dadka uu ku soo fatahay wabiga Shabeelle in hadana ay wada dagaalamaan beelo wada dega Beledweyne in ay tahay wax laga xumaado.

2-dii maalmood aynu soo dhaafnay Galbeedka magaalada Beledweyne waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii ay ku cadaato in ay ka dambeysay dagaalka ka dhacay Galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu ugu baaqay beelaha walaalaha ee ku dagaalamay Beledweyne in ay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalka waliba si shuruud la’aan ah.

Sikastaba ha ahaatee waxaa saakay xaalad daganaansho ah laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo 2-dii maalmood aynu soo dhaafnay ka dhacayeen dagaal Beeleedyo.