Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “ Yabooh” ayaa ka hadlay amniga caasimada Muqdisho, oo todobaadkii hore qarax xoogan uu ka dhacay.
Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay muhiim tahay in si wadajir ah Shacabka iyo Hay’adaha amaanka gobolka Banaadir kaga shaqeeyaan sugida amaanka caasimada Soomaaliya, si guulo mideysan loo gaaro.
Waxa uu tilmaamay in gobolka Banaadir ay ka dhacaan qaraxyo iyo dhibaatooyin balse hadii si wadajir ah loogu wada qeyb qaato in laga baxayo dhibkaasi, lagana adkaan doono dadka falalka amni darada ah geysanaya.
Waxa uu xusay in ay wanaagsan tahay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Banaadir ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan sugida iyo xaqiijinta amniga caasimada Muqdisho.


