DHAGEYSO: Maamulka Gobolka Banaadir oo gubay Raashin dhacay “Sawiro”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta gubay Raashin dhacay oo ay leedahay Hay’adda WFP.

Maamulka Banaadir ayaa sheegay in Raashinkaasi dhacay la doonaayey in lagu dhibaato bulshada ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in raashinkaasi uu ahaa mid dhacay oo la doonaayey in lagu dhibaato bulshada danta yar ee ee kunoo Muqdisho.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa xusay in ay gubeen ku dhawaad 6 Gaari.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadkii dalka Soo galiyay raashinkaas dhacay ay ku daba jireen ciidanka ammaanka Sharcigana la horkeeni doono.

gob4 gob2 gob1 go3