Cayaartoyda 11 sano jirada xulka qaranka soomaaliya oo dalka Qadar uga qayb galay tartanka kubada cagta ee Dugsiyada Wadamada Jaamacada Carabta ayaa xalay waxaa muqdisho loogu sameeyay xaflad soo dhaweyn ah.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa muqdisho ugu qabtay xaflad gaar ahaan xarunta Aqalka Hoose ee Xamar xaflad soo dhaweyn ah oo loogu talagay cayaartoyda 11-sano jirada ah ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in cayaartoyda xulka 11-sano jirada Soomaaliya ay muujiyeen dadaalo aad u xoog badan ayna guulo muhiim kasoo hoyeen cayaarihii ay ka qayb galeen Wadamada Jaamacada Carabta sida uu sheegay.
Inkastoo cayaartoyda 11-sano jirada xulka qaranka Soomaaliya ay kasoo hareen koobka hadana gudoomiyaha gobolka baandir ayaa sheegay in dadaalo muujiyeen, ayna uqalmeen in ay guulo kasoo hoyaan sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulka gobolka banaadir oo uu ugu deeqay cayaartoyda abaal marino lacageed.
Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ayaa dalka qadar uga qayb galay koobka kubada cagta ee Dugsiyada Wadamada Jaamacada Carabta,shalay ayayna muqdisho soo gaareen waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya.


