Muqdisho-RisaalaFM- Kulankii todobaadlaha ee Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha amaanka Gobolka Banaadir, waxaana la isku raacay in laga wada shaqeeyo sugida amaanka Goobaha Doorashooyinka.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay ula shaqeeyaan lahaayeen Saraakiisha iyo Ciidamada gaarka ah ee loogu tala galay xaqiijinta amniga goobaha Doorashooyinka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu balamay sidii looga hortagi lahaa Weerarada Al-Shabaab ay geysanaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
Sidoo kale Kulankii todobaadlaha ee Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay dar dargelinta howlaha nadaafada gobolka.


