Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Agagaarka Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya, kaas oo lala eegtay Gaari uu watay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyahii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ninka is Qarxiyay ee Shabaabka ahaa Gaarigii uu watay uu ku horjaray Gaarigii ay la socdeen General Goobaale iyo Ilaaladiisa, kadibna uu Gaarigii halkaasi ku Qarxay.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay Gen. Goobaale iyo 6 ka mid ah Ilaaladiisa halka sioo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhinteen Gen. Goobaale iyo 6 ka mid ah Ilaaladiisa, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.
War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxii lala eegtay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.


