Wararka Naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan abaaro sameyn kuyeeshay dadka iyo duunyada kunool degaanada hoos yimaada degmada Qansaxdheere.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere Cabdulle Xasan Ibraahim Saney oo la hadlay Xafiiska Idaacadda Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in degmada ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolasha ah .
Gudoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda Gargaarka in ay soo gargaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Qansaxdheere ee ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada.
Qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaaro sameyn ku yeeshay dadka iyo Duunyada.


