Duqa Magaalada Baledweyne ayaa ka hadlay bandow lagu soo rogay Xaafad ka mid ah Xaafadaha Baledweyne.
Cismaan Macalin Cabdi Qalaafow Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ciidanka Milatariga Soomaaliya ay Bandow kusoo rogeen Xaafadda Buundo weyn oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Baledweyne.
Waxaa uu xusay Gudoomiyaha in aysan Aqbali doonin in Bandow uusan ogeyn Maamulka Magaalada in lagu soo rogo Xaafado ka mid ah Baledweyne.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Bandow ay kusoo rogeen Xaafadda Buundo weyn ka dib markii Amnidarada xaafadaasi ay korortay.


