DHAGEYSO: Kulan gaar ah oo dhexmaray Khayre iyo Shariif Xasan

Baydhabo-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xalay waxa ay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab, oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka wadaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil ku sugnaa kulanka ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen in si gaar ah Madaxda ay u gorfeeyeen sidii la isaga kaashan lahaa Dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa ay isla soo qaadeen taageerada Dowladaha caalamka ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan Duqeymaha Shabaabka lala beegsado.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar (Gacma) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay kulanka dhexmaray labada dhinac inuu ku soo dhamaaday is afgarad iyo guul.