Matabaan-RisaalaFM- Xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo aad u hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen degaano hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Degmada Matabaan waxaa gacanta ku haya ururka Ahlusuna, waxaana ku sugan Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayeen Al-shabaab oo wata Gaadiidka Gaashaaman aadna u hubeysan oo soo gaaray Tuulooyinkooda, kuwaasi oo ilaa hadda aanan la hadlin dadka degaanka, halkaasina ka sameystay fariisin.
Ilaa hadda lama oga halka ay yimaadeen Shabaabka gaaray degaanada hoostaga degmada Matabaan, iyada oo sidoo kale arrintan ay cabsi ku abuurtay dadka degaanka.
Saraakiil ka tirsan maamulka Gobolada Dhexe oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Shabaab, ayna aad uga feejigan yihiin.


