Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleey iyo Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay waxaa uu dagaal culus ku dhexmaray deegaan u dhaxeeya xadka ay wadaagaan labada Gobol ee Hiiraan & Bakool oo ay kala maamulaan Hir-Shabeelle iyo koonfur Galbeed.
Horjoogayaasha Kooxda Macaawiisleyda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu yimid,kadib markii ay weerareen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali oo ku yaalla xadka Hiiraan & Gobolka Bakool,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan.
Horjoogaha Kooxda Macaawiisleey ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dagaalkaas ay Shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan,hayeeshee dhankooda uu hal qof ka geeriyooday mid kalena uu ka dhaawacmay.
Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in weerarkii ay saakay waaberigii hore ay ku qaadeen Saldhiga Al-Shabaab ay kusoo qabsadeen lama kamid ah Gaadiidka dagaalka ee Cabdi bilaha loo yaqaano iyo hub farabadam.
Si kastaba warkaan kasoo yeeray horjoogaha Kooxda Macaawiiskeey ee ku aadan in dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan ay Al-Shabaab hub uga qabsadeen ayaa weli dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.



