DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ku baaqday in Shariif Xasan doorashada laga joojiyo

Wasiirka Diinta iyo awqaafta  Maamulka Koonfur galbeed Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in laga joojiyo Musharaxnimada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiirka ayaa sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana aysan suurta gal aheyn in uu u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladaha Caalamka ayuu ugu baaqay in Shariif laga mamnuuco doorashada.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada iyo xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed aysan waxba u qaban bulshada.

Horay ayaa Wasiiro iyo sidoo kale Aqoonyahano kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay u sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed.