DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo faahfaahisay dagaalka ka socda Shabeellaha Hoose

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen degaano ay ku sugan yihiin Shabaab oo hoos yimaada degmada Marko oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay Shabaab kala wareegtay.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dileen ku dhawaad 10 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib dagaal ka dhacay degaanka Gandarshe.

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dagaalkaasi oo ahaa Mid xooggan uu ka dhacay degaanada Jilib Marka iyo Gandarshe.

Waxaa uu sheegay in ciidanka dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose tan iyo inta Shabaab laga saarayo Shabeellaha Hoose.