Xubno ka tirsan Kongareyska Mareykanka ayaa haatan dalab waxa ay u dirsadeen madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama.
Waxayna ka dalbadeen in dowladda Mareykanka ay bixiso lacago loogu talagay in gurmad deg deg ah loogu sameeyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
Xubanahan Kongareyska oo warqad u qoray madaxeynaha dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegeen in abaaro ay ka jiraan qaar ka mid ah dalalka ku yaala Africa kuwaas oo hada loo baahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado.
Xubnahan ayaa si gaar ah kaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya waxa ayna sheegeen in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo xaalado biyo la’aaneed iyo waliba kuwo kale oo dhanka nolosha ah.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa waxaa laga sugayaa in uu jawaab ka bixiyo warqadan ay ugudbiyeen xubnaha Kongareyska Mareykanka ka tirsan.
Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka jira xaalado adag oo dhanka nolosha ah ka dib markii ay gureen biyaha wabiga Shabeelle sidoo kalana roobab aysan ka di’in.


