DHAGEYSO: Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Sh/Dhexe

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya Degaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay saqdii dhexe laga maqlay Qarax aad u weyn.

Qaraxan ayaa nuuciisaa waxaa lagu sheegay Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana laga maqlay Degaano ka fog halka uu ku Qarxay sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.

Miinadan ayaa waxa ay ku Qaraxday Saddex Qof oo la sheegay in ay ahaayeen dadkii dhigayay, kuwaasi oo isla goobta ku naf waayay, waxaana saaakay jirkooda oo go’go ay lagu arkay meel u dhaxeysa Degaanada Biyo Cadde iyo War-ciise.

Warar madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in Miinadan la doonayay in lagu Qarxiyo Gaadiidka maraya wadadaas, oo maalinka Jimcaha ay maraan Baabuur fara badan, kuwaas oo isugu jira Gawaarida Ciidanka iyo kuwa caadiga.

Qaar ka mid ah dadkii tagay halka ay Miinada ku Qaraxday ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay ku arkeen Labo Qori oo nuuca AK-47 ah iyo meydadka Saddex ruux.

Al-shabaab ayaa inta badan wadadan Qarax kula beegsada Qaraxyo Kolonyada Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo inta badan wadadan isticmaala.