DHAGEYSO: Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Siinkadheer

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Degaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka NISA  ay ku leeyihiin degaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynaayo gaarigaasi la joojiyay.

Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonaayay inuu la galo Magaalada Muqdisho .

Gaariga markii uu halkaasi ku qarxay ayaa waxaa goobta ku geeriyooday Askarigii ka tirsanaa ciidanka NISA ee Baaritaanka ku haayay gaariga, sidoo kale waxaa dhintay Ninkiii waday gaariga qarxay, waxaa dhaawac uu soo gaaray dad shacab ahaa oo saarnaa gaadiidka dadweynaha.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku dileen Qaraxaasi.