Doorashada Aqalka Hoose ee ka socotay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyey.
Doorashada oo ay ku tartameen xubna dhowr ayaa gudiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo heer federaal waxa ay ku guuleysteen in maanta lasoo gaba gabeeyo, iyadoo la doortay labadii xubnood ee ugu dambeeyey.
Doorashada maanta dhacday waxaa kusoo baxay Maxamed C/laahi Nuux iyo waliba C/casiis Saalax Carmaan oo labaduba ka guuleystay xubno ay la tartameen.
Waxaa xusid mudan Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed C/laahi Nuux oo ku guuleystay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Maamulka Hirshabelle in horay looga reebay Doorashada, kadib markii ay cadaatay inuu ku lug yeeshay shaqaaqadii 18-kii Novembar ka dhacday Xarunta Doorashada Maamulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.
Cismaan Maxamed Baareey oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle ayaa sheegay in doorashadii ugu wanaagsaneyd in ay maanta ka dhacday Jowhar.


