Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay dagaalka deegaanka Xeraale (Warbixin)

Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeya Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyad gacanta ku hayay deegaanka xeraale.

Mas’uuliyiinta deegaanka Xeraale ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Xeraale,hayeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug uu warkaasi beeniyey.

Guddoomiyaha deegaanka Xeraale Bashiir Dhegabadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaankaas ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 50 ruux dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyey Maamulka Galmudug in ciidamo ka tirsan ay xalay weerar deegaankaas kusoo qaadeen,hayeeshee dhankooda ay iska difaaceen.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in deegaanka Xeraale ay ku wada dagaalamayaan laba maleeshiyo beeleed oo isku heysta dhul ku yaalla halkaas.

Wararka ugu dambeeye ay heleyso Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in Isbitaalka degmada Guriceel la geeyey dhaawacyada 25 ruux halka Isbitaalka Magalada Cabdudwaaq la geeyey 36 dhaawac ah, kuwaas oo aan helin daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariye Cabduqaadir Jakaarta.