Badyahabo-RisaalaFM- Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi ayaa waxa uu ka hadlay ammaanka Degaanada Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay ammaanka Degaanada Koonfur Galbeed in aad loo adkeeyay, maadaama ay so dhowdahay Bisha Barakeysan ee Ramadan, xilliaasi oo Shabaab ay geystaan weeraro ka duwan kuwii hore.
Shabaab maalmo ka hor ayay weerar ku qaadeen Degaanka Goofgaduud oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, khasaare ayaa ka dhashay weerarkaasi.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed.


