Kenya-RisaalaFM- Dowladda kenya ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Hay’ada Xuquuda Aadanaha ee Human Rights Watch, taas oo ku aadaneyd Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab in uusan yeelanin hannaanka Caalamiga ah ee ah in ay iskood u noqdaan.
Hay’adda Human Rights Watch, warbixin ay soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in Dowladda Kenya ay ku guul dareysatay in hanaanka dib u celinta ay waafajiso xeerka caalamiga ah.
Afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Dalka Kenya ninka lagu magacaabo Menden Jocka oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay warbixinta Hay’adda Human Rights Watch, waxaana uu sheegay in Human Rights Watch mar walba ay Kenya ka qorto warbixino been abuur ah, ama eedeyn ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.
“Hadii aan dulqaad muujin oo aanan u naxariisan Qaxootiga mudada 30-ka sano ku dhow Dalka Kenya kuma ay noolaan laheyn” Ayuu yiri Menden Jocka oo ah Afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Dalka Kenya.
UNHCR ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay dib u soo celisay Qaxooti ka badan 23,000 tan iyo 2013-kii, markii heshiiska Sadex geesoodka ah ay saxiixdeen Kenya, UNHCR iyo Soomaaliya.


