DHAGEYSO WAREYSI: Shirka Jowhar oo laga soo horjeestay

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda ay ku diidan yihiin Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Magaalada Jowhar ka furay wajigii labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mudo badan hakad uu ku jiray.

Nabadoon Cusmaan C/laahi Cabdi oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay weli in aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda, sidoo kalena ay diidan yihiin Shirkaasi.