DHAGEYSO: Jubbaland oo sheegtay in ay Al-Shabaab kala Wareegtay degaano Cusub

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa Faahfaahin ka bixiyay dagaal Maanta ka dhacay degaano ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanadaasi oo isku dhinac  ah iyo Al-Shabaab.

Afhayeenka Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud Carab oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ay Maanta ku dagaalameen degaanka Beerxaan oo Kismaayo u jira 60 KM .

Afhayeenka ayaa xusay in ay u gurmadeen dadka Xoolaha dhaqata ah ee Al-Shabaab ay ku dagaalamayaan degaanada ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu xusay in ay Al-Shabaab ay kala wareegeen degaanada Janaa Cabdalle , Beerxaano iyo sidoo kale degaanka Sooyo .

Afhayeenka laamaha amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale Hoosta ka xariiqay in ay dileen 3 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab 4 kalena ay dhaawaceen.