DHAGEYSO: Jubbaland oo Shaacisay Tiradda Dadka la nool xanuunka Aids-ka ee ku sugan Kismaayo

Cali Cabdullaahi oo ah madaxa qaybta Cudurka Aids-ka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay  Dadka la nool xanuunka Adis-ka ku sugan  Magaalada Kismaayo.

Sarkaalkaan ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad kale oo xanuukaan la nool, kuwaasi oo ku sugan deganada Jubbaland, sida Gobolka Gedo, Gobolka Jubbada Dhexe iyo Gobolka Jubbada hoose.

Wuxuu sheegay tirada inay badan yihiin, balse dadka hadda u diiwaangashan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ay tahay 45 ruux oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Dadka ku nool Gobolada Jubbooyinka ayaa wuxuu ugu baaqay inay hubiyaan xaaladooda caafimaad oo ay tagaan goobaha baaritaanada ah ee dhaqaatiirta ay ku sugan yihiin.