Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Jubbaland ay u diyaar garoobeen sidii ay u qaadi lahaayeen guluf colaadeed ah oo ka dhan ah Shabaab.
Waxa uu sheegay Ciidanka Jubbaland sanadkan cusub in ay gacanta ku dhigi doonaan Magaalada Bu’aalo oo ah Caasimada Maamulka Jubbaland oo hada ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab.
Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay qorshihii lagu qaban lahaa Magaalada Bu’aalo ee caasimada Maamulka Jubbaland in la diyaariyay, islamarkaana Ciidamadu ay qaadayaan duulaan ka dhan ah Shabaab.
Sidoo kale Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Dalka ee soo celiyay kuraastii qaar ee Doorashooyinka xubnaha Golaha shacabka ee ka dhacday Maamul Goboleedyada Dalka.


