DHAGEYSO: Banaanbax ka dhacay Afgooye

Afgooye-RisaalaFM- Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Gaadiidleyda ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaadiidleyda ayaa Banaanbaxan waxa ay kaga cabanayaan isbaarooyinka sharci darada ah ee ay sheegeen in ay yaalaan wadooyinka ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Qaar ka tirsan Gaadiidleyda ka howlgala Degaanada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen Ragga dhaca geysta in ay ku lebisan yihiin Dareeska Ciidanka Dowladda.

Sidoo kale Gaadiidleyda ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan Banaanbaxyada ilaa cabashadooda laga xaliyo, waxaa ay baaq u direen Dowladda Federaalka.