Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa faah faaahin dheeraad ah ka bixiyay halka ay marayaan Abaaraha ka jira Degaanada Jubbaland iyo natiijada ka dhalatay.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in looga baahan yahay in ay isku tashadaan, gaar ahaan reer Jubbaland.
Waxa uu sheegay Degaanada Jubbaland in Saddex maalmood oo xiriir ah laga soomayo, sidoo kalena la Tukanayo Salaad Roob doon ah, si Alle looga baryo in dhibaatada uu naga dulqaado.
Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku naxariistaan, Allena baryaan, iyagana Qof walba wuxuu awoodo uu ku kaalmeeyo walaalkiisa dhibaateysan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed horey ugu baaqay in ay sameeyaan isku soo bax, sidoo kalena Tukadaan Salaad Roob doon ah, si Alle uu dhibaatada inooga dulqaado.


