Kadib howlgal ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen Xaafada Kaawo Godeey ee Degmada Dharkeynley ayey kusoo qabteyn Maandooriyayaal la damacsanaa in si suuqa madoow ah loogu gado Magaalada Muqdisho.
Afayeenka Ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble oo tagay goobtaasi lagu farsameyn jiray maandooriyeyaasha ayaa warbaahinta kaga warbixiyay howlgalkaasi qorsheysnaa oo ay ciidamadu Boolisku ka sameeyeen Degmada Dharkeynle.
Waxa uu sheegay in sidaan oo kale Boolisku ahmiyad u siin doonaan xarumaha Maandooriyayaasha lagu farsameeyo waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Booliska Soomaaliyeed sababaha loo aas aasay ay kamid tahay ka hortaga isticmaalka maandooriyayaasha.
Xaruntaan lagu farsameyn jiray maandooriyayaasha nuucyadooda kala duwan ayaa lagu qabtay ragii ka ganacsan jiray maandooriyayaashaani oo shaqo maalmeedkooda wata iyo maandooriyayaashii ay sameenayeen oo ku jiray haaman iyo caagag labaatanleyaal ah.