Ciidamada amaanka Turkiga oo xiray 13 eedeeysane

Ciidamada amaanka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga u taxaabay ilaa dhowr iyo toban ruux oo ay kaga shakisantahay in xiriir hoose ay la leeyihiin wadaadka Mareykanka degan ee Fatxullah Gullen oo ay horaan Turkiga ugu eedeysay in uu lahaa qorshaha afgembigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay sanadkii 2016.

Ilaa iyo hada waxaa ay warbaahinta Turkigu shaaciyeen in ilaa 13 eedeysane  ay ciidamada amaanka Turkiga ay soo qabteyn.

Saraakiil booliska Turkiga ka tirsan ayaa sheegay in dadka la xir xiray laga soo qabtay ilaa toban Gobol oo ka tirsan dalkaasi ayna ku wada eedeeysanyihiin ku lug lahaashaha falkii lagu doonayay in lagu majo xaabiyo dowladnimada dalkaasi sida ay sheegeen.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in amarkaan lagu soo xiray eedeeysanayaashaani uu si toos ah kaga soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi uu ku leeyahay Magaalada Ankara.

Sidaan oo kale dhowr jeyr oo hore ayey dowladda Turkiga u xir xirtay dad ay ku tuhmeyso in si uun ay ugu lug lahaayeen afgembigii dhicisoobay ee lala damacsanaa dalkaasi waxaana Turkiga aad loogu cambaareeyay falalka ay ku xireyso muwaadiniinteeda.

Xigasho: Press TV