DHAGEYSO: Howlgallo gaar ah oo ka socda K/Galbeed

Baydhabo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Militariga qeybta Lixdanaad ee Soomaaliya General Ibraahim Aadan Yarow ayaa waxa uu ka hadlay Howlgallada ka socda qeybo ka tirsan Gobolada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay maalmaha soo aadan in ay qaadi doonaan Howlgallo gaar ah oo Shabaab looga saarayo Degaanaada iyo Degmooyinka ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

General Ibraahim Aadan Yarow Taliyaha Ciidanka Militariga qeybta Lixdanaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo iskaashanaya maalmaha soo socda ina ay gacanta ku dhigi doonaan Degaano dhowr ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ee howlgalka ujooga Soomaaliya ayaa waxa ay gobolada dalka qaar ka wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.